Nasashada Kooxda: Maxaad Ka Taqaanaa Kooxda Ugu Nasiibka Xun Adduunka, Waa Koox Mar Walba Oo Ay Ku Dhawaato Ku Guulaysiga Horyaalka Masiibo Ka Dhacdo Adduunka, Coronvirus Ayaa Ugu Dambeeyay

Qaab ciyaareed fiican iyo waliba tartan adag oo ay ugu jirto hogaanka horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan, dad badan ayaa filayay in ay koox ku guulaysan doonto ka hor intii uuna soo bixin waxa ugu hadal haynta badan adduunka wakhti xaadirkan kaas oo ah Xanuunka Faraha xun ku haya qaarada yurub ee Coronavirus kaas oo sabab u noqday in la joojiyo dhamaan ciyaaraha kala duwan ee laga ciyaaro adduunka gaar ahaan Horyaalka Serie A-da iyada oo waliba la joojin karo horyaalka gabi ahaan.

Waxa aan sidaas ugu soo qaabin karnaa xilli ciyaareedka kooxda Lazio ee horyaalka Serie A-da ee xilli ciyaareedkan Laakiin xaqiiqda ayaa ah in ayna markan ahayn marka kaliya ee ay Masiibo ka dhacdo adduunka mar walba oo ay kooxda Lazio qaab fiican soo bandhigto waliba u tartanto ku guulaysiga horyaalka Serie A-da.

Iyada oo ay adduunka ka dhacday 3 Masiibo oo hore markii ay Lazio ku dhawaatay ama u tartantay horyaalka Serie A-da dalka Italy ama Talyaaniga taas oo aan odhan karno in ay Lazio tahay koox Nasiib xun oo adduunka u hor seeda masiibooyin caalmai ah.

Hadaba waxa aan Nasashada kooxda ee maanta ku soo bandhigi doonaa Masiibooyinkii dhacay mar walba oo ay Lazio u tartanto horyaalka Serie A-da.

1.Bilowga Nasiib xumada Lazio ayaa bilowday sanadkii 1914/1915 iyada oo wakhtigaas horyaalka Serie A-da loo qaban jiray Qaybo Group-yo ah iyada oo loo qaybin jiray Qaybta Woqooyi, Qaybta Koonfurta iyo qaybta dhexe iyada oo wakhtigaas kooxda Genoa hogaaminaysay qaybta Woqooyiga iyada oo Lazio hogaaminaysay qaybta Koonfurta iyo dhexda waxana la filayay in ay labada kooxood ee Genoa iyo Lazio ku kala baxaan horyaalka iyada oo uu xeerku dhigayay sidaas labada kooxoodna u balansanaayeen kulan kama dambays ah.

Advertisements

Laakiin ka hor intii aan kulankaas la gaadhin ayaa la galay dagaalkii 1-aad ee adduunka iyada oo dalka Italy ka qayb qaatay dagaalka bishii May ee sanadkii 1915 taas oo keentay in la joojiyo tartanka maamulka horyaalka Serie A-duna go’aamiyay in ay Kooxda Genoa ku guulaysato horyaalka sabab la xidhiidha in ay iyagu ku jireen Group-ka ugu adag tartanka uguna qanisan.

2.Xilli ciyaareedkii 1974/1975 ayay Kooxda Lazio mar kale wacdaro ka dhigtay horyaalka Serie A-da kadib muddo badan oo ayna horyaalka u tartamin laakiin arinta la yaabka leh ayaa ah in kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee Lazio iyo waliba hogaamintii horyaalka ay dhacday masiibo kale iyada oo uu soo baxay xanuun kale oo lagu magacaabo “Cholera” kaas oo si baas ugu faafay yurub gaar ahaan Italy xilli ay Lazio hogaaminayso horyaalka Serie A-da inkasta oo ay tartan adag kala kulantay kooxda Juventus.

Laakiin wakhtigaas tartanka ayaa dhawr todobaad la joojiyay sabab la xidhiidha faafista xanuunka waxana muddo kadib lagu soo laabtay ciyaarista horyaalka inkasta oo uu xanuunku socday waxana ay Lazio ku guulaystay horyaalkeedii ugu horeeyay xilli ciyaareedkaas iyaga oo 2 dhibcood kaga qaaday Juventus.

3.Waxa la gaadhay xilli ciyaareedkii 2000 taas oo muujisay in ay Lazio tahay Aabaha Masiibada iyada oo mar walba oo ay horyaalka u tartanto ay dhacdo masiibo adduunka ah.

Xilli ciyaareedkaas 2000/2001 ayay Lazio soo bandhigtay xilli ciyaareedkeedii ugu fiicnaa taariikhdeeda laakiin qaab ciyaareedka Lazio iyo Hogaaminta horyaalka ayay soo dhex gashay dhaqaale xumo daran oo ka dhacay dalka Italy iyada oo uu dhaqaalaha dalku bur-buray kuna dhawaaday in ay dawladu bur-burto dad badana arintaas darteed isku dileen laakiin garoomada kubada cagta tartanka ayaa si caadi ah isaga dhamaaday waxana ay ku guulaysteen horyaalkeedii 2-aad ee taariikhda horyaalka Serie A-da.

4.Waxa aan gaadhnay masiibadii ugu dambaysay ee la kulantay wakhtiga fiican ee Lazio waana xanuunka haatan adduunka kaga qaylisiiyay kuna dhinteen inta ka badan 20-ka kun ee qof waana Xanuunka “Coronavirus” kaas oo yimid xilli ciyaareed ay Lazio ku jirto wakhti fiican wakhtina hogaanka u qabatay horyaalka Serie A-da waliba garaacday kooxaha La tartamaya ee Juventus iyo Inter Milan laakiin Talyaaniga ayaa haatan ah meesha uu sida xun u saameeyay xanuunku iyada oo ay u dhinteen in ka badan 8 kun oo qof waxana la filayaa in la kansalo horyaalka hadii ayna xaaladuhu fiicnaan bilaha yar ee soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*