Nadiifin: Barcelona Oo Suuqa Dhigaysa Kana Diraysa Kooxda 8 Xiddig Oo Aan Ku Jirin Qorshaha Ronald Koeman.

Kooxda Barcelona ayaa u tartamaysa horyaalka La Liga iyo waliba tartanka Copa del Rey-ga xilli ciyaareedkan waxana ay sido kale doorteen madaxweyne cusub halka ay U muuqato in uu Lionel Messi sii joogi doono kooxda wixii xilli ciyaareedkan ka dambeeya.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronaldo Koeman ayaa sidoo kale qorshaynaya mustaqbalka iyo waliba xilli ciyaareedka dambe xilli dhamaadka xilli ciyaareedkan 10 kulan ka dhimantahay.

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso ku dhawaad 9 xiddig xilli uu Ronald Koeman doonayo in uu isku shaandhayn ku sameeyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiaha Memphis Depay, Georginio Wijnaldum, Eric Garcia Iyo Sergio Aguero ayaa si weyn loola xidhiidinayaa kooxda Barcelona marka uu furmo suuqa xagaaga.

Waxa la shaaciyay 8-ka xiddig ee ay kooxda Barcelona isku diyaarinayso in ay suuqa dhigto marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan suqua kala iibsiga xagaaga.

Xiddigaha Philippe Coutinho, Martin Braithwaite, Samuel Umtiti, Miralem Pjanic, Sergi Roberto, Carles Alena & Matheus Fernandes ayaa ah xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*