Nacho Oo Shaaca Ka Qaaday Ciyaaryahanka Real Madrid Ee Dhaxli Doona No.6 Xilli Ciyaareedka Soo Socda

Nacho Fernandez ayaa macsalaameeyay Real Madrid 23 sano kadib, waxaana hadda La is waydiinayaa cida qaadan doonta maaliyadiisa No.6.

Markii Eduardo Camavinga uu fariin qiiro leh ku macasalaameeyay,  Nacho ayaa u muuqday mid daaha ka qaaday in xiddiga reer France uu dhaxli doono funaanadiisa.

“Kabtankayga, qofka in lagu daydo mudan, waxa ay ii ahayd Sharaf in aan kaa garab ciyaaro, waxa aan kuu rajaynayaa nasiib wacan mustaqbalka adiga Iyo qoyskaaga”ayuu Camavinga ku oqray Instagram-ka.

“Waad ku mahadsan tahay Camavinga. Waxaan kaa caawin doonaa inaad hesho lambarka 6.”ayuu Nacho ugu jawaabay.

Lama filayo in uu noqdo Camavinga xiddiga kaliya ee iska badali doona Numberka maadama Valverde dhaxli doono Lambarka No.8 ee uu banyan doono Toni Kroos.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga