Muxuu Yahay Qorshaha Soo Boodada Ah Ee Liverpool Ay Ku Dooneyso Klyan Mbappe?? (Maxaa Soo Kordhey??!!)

Klyan Mbappe  Weeraryanka kooxda PSG iyo xulka Qaranka Fransiiska ayaa weli waxaa lala xiriirinayaa u dhaqaaqista dhanka kooxda Real Madrid ee ka dhisan horyaalka La Ligaha Spain.

Kooxda reer Spain ee Los Balancos ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarianaya dalabkii ugu weynaa ee ay xiddigan Klyan Mbappe  kaa oo ay sheegeen in ay gudbin doonaan marka uu soo dhamaado tartan koobka qaramada qaarada yurub oo uu xiddigu xulkiisa France kala qeyb galayo.

Haddaba warar iminka soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda Liverpool ay diyaarineyso qorshihii ay xiddigaan ugu soo qaadan laheyd kaa oo heshiiska uu haatan kula joogo kooxdiisa PSG uu dhacayo sanadka dambe.

Liverpool ayaa xiddigan u aragta mid mustaqbal leh, waxaana ay diyaar u yihiin ay awoodooda isugu geyaan sidii ay xiddigan u keeni lahaayeen garoonka Anfield ee ay kooxdaasi ku ciyaarta goor ay noqotaba, waa sida lagu yiri wararka ay wargeysyadu arintan ka qorayaan.

22 sano jirkan ayaa 42 gool iyo 11 caawin sameyey xili ciyaareedkan 47 kulan oo uu ka soo buuqdey kooxdiisa, taa oo ay qeyb ka ah 8 gool oo 10 kulan oo champions league-ga uu xili ciyaareedkan ka ciyaarey uu kooxdiisa u dhaliyey.

Ugu dambeyn xiddigaan Mbappe ayaa loo badinayaa in uu noqon doono xiddig Real Madrid ka tirsan, laakin kooxda Los Blancos ayaa ku qasban in ay dhowr ciyaaryahan oo safkeeda kowaad ah in ay iibiso ka hor inta aaney xiddigan soo qaadan.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*