Muxuu Xavi Ka Yidhi Ku Aadista Kooxdiisa Ee Man United Kulamada Kala Baxa Europa League.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa ka hadlay ku aadista kooxdiisa ee Man United kulanka kala baxa ee tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Isku aadka wareega kala baxa ayaa isku aadiyay kooxaha Man United iyo Barcelona iyada oo midkood u gudbi doono wareega 16-ka tartanka Europa League.

Xavi ayaa ku aadista Man United ku tilmaamay midkii ugu xumaa isla markaas uuna nasiibku garab istaagin kooxdiisa markii la samaynayay isku aadka.

“Isku aadku waxa uu mar kale na siiyay kulan adag sidii uu champions League noogu aadiyay Group adah”ayuu Xavi yidhi.

“Nasiibku ma garab istaagin kooxdeena, Man United waa koox fiican oo taariikhi ah waana isku aadkii ugu xumaa ee aan doonaynay in aan ka fogaano”.

“Waxa ay haystaan xiddigo cajiib ah laakiin waxa aan u diyaar garoobi doonaa si fiican si aan uga hor tagno kooxda”ayuu sii raaciyay.