Muxuu Vinicius Junior Ku Yidhi Lamine Yamal Intii Ay Socotay El-Clasico.

Guushii Real Madrid ee El Clásico ay kaga adkaatay Barcelona ayaa si la filayay ku dhammaatay gacan-ka-hadal dhex maray ciyaartoyda, iyadoo Lamine Yamal uu ahaa bartamaha qalalaasahaas.

Jude Bellingham ayaa dhaliyay goolka guusha ciyaar xiiso badan oo 2-1 ku dhammaatay Axaddii garoonka Santiago Bernabéu, halkaas oo sidoo kale Kylian Mbappé uu ku khasaariyay rikoodhe, halka Pedri laga saaray daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Sida caadadu tahay marka ay labada kooxood ee xafiiltamaya kulmaan, waxaa dhacay isku dhac kulul intii lagu jiray iyo kaddib ciyaarta, iyadoo da’yarka Barcelona ee Yamal, uu noqday bartilmaameedka ugu weyn ee ciyaartoyda Real Madrid, kaddib hadallo uu horay u sheegay ka hor mid ka mid ah derbiyada ugu waaweyn kubadda cagta.

Isagoo dhawaan ka hadlayay kanaal YouTube ah, 18-jirkan ayaa ku yiri isagoo ka hadlayay Real Madrid:”Waxa ay ka faa’iidaystaan go’aanada garsooraha mar walba way cawdaan waxana ay sameeyaan waxyaabo badan”.

Sida lagu arkay muuqaallo ay duubeen taageerayaal, marka garsooruhu dhameeyay ciyaarta kabtanka Real Madrid Dani Carvajal ayaa si toos ah u wajahay Lamine Yamal, isagoo gacantiisa afkiisa u dhaweeyay isaga oo ku yidhi”Waad Hadal badantahay, Hadda Hadal”.

Da’yarka Lamine Yamal ayaa isku dayay inuu u dhowaado difaaca Carvajal, balse waxaa celiyay xiddiga Real Madrid Eduardo Camavinga, taasoo dhalisay riix-riix iyo gacan-ka-hadal dhex maray labada kooxood. Waxaa sidoo kale ka mid ahaa kuwa isku dayay inay xaaladda dejiyaan Marcus Rashford, oo isku dayay inuu kala qaboojiyo ciyaartoyda is hayay.

Vinicius Junior, oo horey uga xanaaqay markii laga beddelay ciyaarta, ayaa markaas ereyo ku yidhi Yamal intii lagu saarayay garoonka, ka hor intuu weerar ku qaadayo da’yarka Barcelona, iyadoo ammaanka garoonku si degdeg ah u kala dhexgalay si uu labada ciyaaryahan u kala fogeeyo.

Inkastoo aan si cad loo ogeyn waxa la isku yiri xilligaas, waxaa la soo weriyey in intii ciyaarta socotay Vinicius lagu maqlay isagoo Yamal ku leh”Adigu kaliya kubadda Dib ayaad u celinaysaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga