Muxuu Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer Ka Yidhi Wararka La Xidhiidhinaya Jadon Sancho.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solksjaer ayaa wax laga waydiiyay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Kooxda Man United aya lala xidhiidhinayaa xiddiga 20 jirka ah kaas oo ay doonayaan in ay ka dhigtaan saxiixooda ugu weyn suuqa xagaaga.

Wadahadalada labada kooxood ayaa socda waxana Solskjaer wax laga waydiiyay wararka xiddiga reer England la xidhiidhinaya Man United.

“Suuqa kala iibsiga xagaagu waa mid aad u dheer, heshiis walba waxa uu qaataa wakhti”ayuu Solskjaer yidhi.

“Wakhti xaadirkan wax cusub ma hayo hadii ay wax soo baxaan waan idiin sheegi doonaa”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*