
Tababaraha kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Arsenal kulan ka tirsan premier league.
Kulankii Anfield ayaa ku dhammaaday guul 1-0 ah oo ay Reds ku gaadheen, goolka kaliya waxaa dhaliyay Dominik Szoboszlai isagoo si heer sare ah u dhammaystiray laad xor ah oo ka baxsan xerada ganaaxa.
Slot, isagoo la hadlay BBC Sport, wuxuu yidhi:
“Ciyaartu waxay u baahnayd waqti sixir ah si mid ka mid ah labada kooxood ay ugu guuleysato.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Kulanku wuxuu ahaa mid dheelitiran, labada kooxoodna waa ay is barbar dhigeen.”
Tababaraha Reds ayaa sidoo kale yidhi:
“Waxaan dareemay inaan gacanta ku haynay qaybtii labaad, laakiin labadaba qayb waxa ay ahaayeen kuwo qurux badan.”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi:
“Kooxda ka soo horjeedda waxay heleen laadad gees ah (corners) ka badan annaga, waxaan filayaa inay heleen 9 guud ahaan, waxaana si wanaagsan uga difaacanay.”
Ugu dambayn Slot ayaa yidhi:
“Haddii aad la ciyaarto Arsenal oo ay helaan 9 laad gees ah, haddana kooxdu ugu dambayn ku guuleysato laad xor ah, aniga ahaan taasi waa wax aad u fiican.” ✅
Be the first to comment