Muxuu Saka Ku Jawaabay Markii La Waydiiyay Kooxda Uu Doonayo In Ay Gunners Ku Aado wareega 8 Dhamaadka Champion League

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Arsenal Bukayo Saka ma uusan dooneynin inuu sheego wax hadal ah oo degdeg ah markii Rio Ferdinand uu wax ka weydiiyay kooxda uu doorbidayo in ay Arsenal ku aado wareega 8 dhamaadka champion league.

Arsenal ayaa markii ugu horaysay muddo 14 sano ah u soo baxday siddeed dhamaadka tartanka Yurub kadib markii ay rigooreyaal aad u xiiso badan ay uga badisay Porto.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay rigooreyaal, David Raya ayaa badbaadiyay labo rikoodhe waxana ay Gunners wareega 8 dhamaadka champion league u raacday kooxaha Real Madrid, Manchester City, Bayern Munich, Barcelona iyo PSG.

Mar Rio Ferdinand uu TNT Sports wax ka waydiiyay haddii uu door bidi lahaa kulan adag ama mid sahlan, Saka si fudud ayuu u dhoola caddeeyey wuxuuna yidhi: “Ma doonayo in aan wax degdeg ah sheego”,

Marka laga reebo PSG iyo Arsenal, afarta kooxood ee kale ee wareega 16ka ayaa dhamaantood ku guulaystay Champions League tobankii sano ee la soo dhaafay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga