
Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay guuldaradii 2-0 ahayd ee kooxdiisu ay ka soo gaadhay kooxda Tottenham Hotspur ee ka dhacay Etihad Stadium fiidnimadii sabtidii kulan ka tirsanaa wareega labaad ee horyaalka Ingiriiska.
Qalad uu sameeyay goolhaye James Traffor ayaa kooxdiisa u sababay in laga dhaliyo goolka 2-aad ee ciyaarta.
Guardiola ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ciyaarta ka dib ku yidhi: “Trafford waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed aan caadi ahayn kulankii Wolverhampton, sidaa darteed waxa aan qaatay go’aanka ah in uu sii ciyaaro isaga si aan ugu abaalgudo qaab ciyaareedkiisa”.
“Waxaa jira kulamo badan oo la ciyaari doono, marka qof walba wuu ciyaari doonaa, waxaana go’aansaday inaan maanta kaliya fursad siiyo Trafford,” ayuu Pep hadalkiisa kusii daray.
Macallinka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan weli ku jirnaa bilowga xilli ciyaareedka, waxaan u qaadaynaa tallaabo tallaabo, hadda waxaan heysanaa waqti nasasho, ka dib waxaan isku diyaarin doonaa kulanka ugu dambeeya ka hor fasaxa soo socda ee caalamiga ah”.
Pep oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waan garanayaa waxa aan sameyneyno iyo waxa ay ciyaartoyda sameynayaan, waxaa jira waxyaabo badan oo wanaagsan, laakiin dabcan waa inaan horumar sameynaa, wax shaqo ah kuma lahan guuleysiga ama guuldarada, sidaas oo kale ayaan u sheegay kulankii Wolverhampton ka dib”.
Be the first to comment