Muxuu Paul Pogba U Sheegay Xiddigaha Ay Isku Kooxda Yihiin Kadib Khaladkii Uu Sameeyay Kulankii West Ham.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa raaligelin siiyay asxaabtiisa kooxda qolka labiska ka dib qaladkiisii sababta u noqday in ay Man United bar-baraha l gasho West Ham.

Xiddiga reer France ayaa kubada gacanta ku taabtay isaga oo ku dhex jira dilinta ganaaxa ka hor dhamaadkii qaybta hore ee ciyaarta taas oo keentay in uu Michail Antonio gool ka dhaliyo.

Xiddiga Mason Green ayaa bar-baraha u dhaliyay kooxdiisa qaybtii dambe ee ciyaarta xilli ay United wali u dagaalamayso booska champions League xilli ciyaareedkan dambe.

Kabtanka Harry Maguire ayaa shaaca ka qaaday in Pogba uu raaligelin siiyay asxaabtiisa kooxda ka dib, isagoo qirtay inuu qalad sameeyay.

‘Waxaad dhihi kartaa inay tahay falcelin dabiici ah oo uu sameeyay Paul”ayuu Maguire yidhi.

“Miyay ahayd in uu sameeyo? Xaqiidii may ahayn in uu gacantiisa kor u qaado”.

“Waxa uu raali galin ka bixiyay khaladk, waxa uu gacmihiisa kor u taagay”.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Masar & Itoobiya U Soo Bandhigtay In Ay Dhex-Dhexaadiso Muranka Ka Taagan Biyo Xidheenka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*