Muxuu Messi Ka Yidhi Rikoodhadii Uu Khasaariyay Kulankii Ecuador

Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa ka hadlay gool ku laadkii uu qasaariyay kulankii uu xulkiisu ka badiyay Ecuador wareega 8da ee Copa America 2024.

Argentina ayaa u soo baxday semi-finalka ka dib markii ay rigooreyaal kaga badiyeen xulka Ecuador.

Messi ayaana lumiyay laadkii ugu horeeyay ee xulkiisa, laakiin goolhaye Emiliano Martinez ayaa si fiican uga dhex muuqday, waxaana uu ka celiyay Ecuador labadii laad ee ugu horeysay, waxaana ay ku badiyeen (4-2) rigooreyaal, ka dib markii waqtigii caadiga ahaa uu ku dhamaaday. barbardhac (1-1).

Hadalada uu jeediyay xiddiga reer Argentine kadib dhamaadkii ciyaarta ayuu Messi yidhi”Aad ayaan u xanaaqay, waxa aan ku qancay in aan kubbada u laado sidaas”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga