Muxuu Ivan Rakitic U Sheegay Mikel Arteta Markii Uu Ka Codsaday In Uu Ku Soo Biiro Gunners?

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa si shaqsi ah ula xidhiidhay xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic si uu ugu qanciyo in uu ku soo biiro Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Rakitic ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaagan kadib markii uu ka baxay qorshaha Barcelona.

Wargayska Le 10 Sport ayaa sheegaya in uu Arteta xiddiga khadka dhexe ka codsaday in uu ku soo biiro Arsenal si uu uga mid noqdo qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee Rakitic ayaa iska diiday codsiga Mikel Arteta isaga oo u sheegay in uu doonayo in uu Sii Joogo Spain ama ku biiro horyaalka Serie A-da oo uuna doonayn Premier League.

Heshiiska Ivan Rakitic oo 32 jir ah ayaa dhacay sanadka dambe waxana lagu heli karaa lacag aad u jaban inta lagu jiro xagaagan.

Laakiin Rakitic Doonayn in uu ku soo biiro Premier League iyo waliba Arsenal inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*