Muxuu Frank Lampard U Sheegay Jurgen Klopp Intii Lagu Jiray Kulankii UEFA Super Cup

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday wixii uu Frank Lampard u sheegay intii lagu jiray intii uu socday kulankii UEFA Super Cup-ka ee ka dhacay Istanbul.

Tababare Jurgen Klopp ayaa qirtay in uuna ku faraxsanayn in ay ciyaartu gaadho wakhti dheeri ah sidoo kale kaftan la wadaagay tababaraha Chelsea ee Frank Lampard.

Wakhtigii dabiiciga ahaa ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 2/2 ah kadib markii ay Chelsea goolasha u dhaliyeen Olivier Girou iyo Jorginho halka Liverpool u dhaliyeen goolka xiddiga Sadio Mane.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Kadib 90-kii daqiiqo ee ciyaarta, Lampard i waydiiyay, “Halkeed ku ciyaaraysaan goorma ayaadna ciyaaraysaan kulanka xiga”, waxana ana ku jawaabay” Sabtida waxa aan ku ciyaaraynss Southampton”. kadib waxa uu igu yidhi” Hamblayo & Nasiib wacan”.

“Ma jirin cid doonaysay in ay ciyaartu gaadho wakhti dheere ah, waxa ay ciyaarayaan sabtida iyaga oo marti galinaya Leicester City”.

Advertisements

“Sidaas darteed waa in aanu diyaar noqono kulanka sabtida haatana ka shaqayno sidii aan u soo kabsan lahayn kadib kulan adag oo aan ciyaarnay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*