
Cristiano Ronaldo ayaa wajahaya loolan cusub Kulamada ka dhiman xilli ciyaareedka horyaalka Serie A-da.
Hadii uu dhaliyo 5 gool 4-ta kulan ee Juventus u dhiman horyaalka Serie A-da waxa uu ku guulaysan doonaa kabtiisii 5-aad ee dahabka ah ee gool dhalinta yurub.
Robert Lewandowski ayaa haatan hogaaminaya gool dhalinta yurub isaga oo dhaliyay 34 gool xilli uu Cristiano Ronaldo leeyahay 30 gool.
Hadii uu xiddiga reer Portugal 4 gool dhaliyo waxa uu la bar-baro noqon doonaa xiddiga Bayern Munich waxana ay wadaagi doonaan abaalmarinta.
Cristiano Ronaldo ayaa laakiin haysta fursad uu kaligii ugu guulaysto abaalmarinta markii 5-aad ee taariikhdiida laakiin waxa uu u baahanyahay in uu dhaliyo 5 gool.
Juventus ayay u hadheen kulamada Udinese, Sampdoria, Cagliari & Roma waxana uu u baahanyahay in uu ka dhaliyo 5 gool si uu ugu guulaysto abaalmarinta.
Be the first to comment