Tababaraha reer Spain ee kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka hadlay guushii weynayd ee kooxdiisu ku gaartay 4–0 ay kaga badiyeen Atletico Madrid, ciyaartii wareegga saddexaad ee heerka kooxaha Champions League.
Arteta oo la hadlay saxaafadda kaddib ciyaarta ayaa yiri:
“Waxay ahayd ciyaar adag runtii, balse goolkii ugu horreeyay ka dib, Atletico waxay furteen khadkooda difaaca wax yar, taasoo noo sahashay inaan helno boosas badan oo aan ku abuurno fursado. Aad ayaan ugu faraxsanahay natiijadan.”
Tababaraha ayaa hadalkiisa u sii raaciyay isagoo la hadlayay shabakadda Amazon Prime:
“Waxa dhacaya wuxuu abuuraa xiriir iyo midnimo fiican oo naga dhexeysa annaga iyo taageerayaasha. Kalsoonida iyo rumaysnaanta kooxda waa arrin aad muhiim u ah cayaaraha. Hadda waa in aan bog cusub furnaa oo aan diiradda saarno ciyaarta Axadda.”
Mikel Arteta oo sii hadlayay ayaa ka hadlay Viktor Gyökeres, wuxuuna yiri:
“Waan ku faraxsanahay isaga, wuu istaahila dhammaan ammaan kasta. Wuxuu qabtaa shaqo cajiib ah oo uu kooxdiisa u hayo, aad ayaanna ugu mahadcelineynaa waxa uu noo qabto. Maanta waxaan ku aragnay dhoolla-caddeyn weyn wejigiisa.”
“Kooxda oo dhan way ugu faraxsan tahay Gyökeres. Joogiisa wuxuu Arsenal ka dhigay mid aad uga wanaagsan. Wuxuu si xoog leh u cadaadiyaa, wuxuuna si fiican u maamulaa kubadda. Maanta mar kale ayaan caddeynay in kubbadaha dhiman (set-pieces) ay yihiin mid ka mid ah meelaha aanu ku xoogganahay.”
Be the first to comment