Muxuu Ahaa Qoraalkii Ay Chelsea Soo Dhigtay Twitter-keeda Kadib Masaxday Ee Ku Saabsanaa Liverpool?

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay booqato garoonka Anfield kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 37-aad kulan ay Reds si Rasmi ah u gudoomi doonto koobka horyaalka premier League.

Shalay oo Salaasa ahayd koxoda chelsea ayaa Twitter-keeda soo dhigtay muuqaalkii Steven Gerard ee uu siibtay sanadkii 2014 sidaasna Liverpool ku wayday horyaalka.

Chelsea ayaa muuqaalka sii raaciysay qoraal ah”Bari waxa aan ku laaban doonaa Anfield” ka hor inta ayna saacado yar kadib ka masixin Twitter-keeda.

Waxa si weyn loo xasuustaa siibashadii Steven Gerrard ee kulankii dhacay 27 bishii April sanadkii 2014 taas oo keentay in ay taariikhda u gasho Liverpool iyo Steven Gerrard.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*