Muxuu Ahaa Hadalkii Romelu Lukaku Ka Hor Intii Uuna Diyaarad U Raacin London Si Uu U Dhamaystiro Ku Biiristiisa Chelsea.

Romelu Lukaku ayaa fariin u diray taageerayaasha Inter Milan ka hor intii uuna diyaar u soo raacin London si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.

Xiddiga reer Belguim ayaa haatanba ku baasay qaybta hore ee tijaabada caafimadka isaga oo ku maray magaalada Milan waxana uu haatan u soo safray London si uu u dhamaystiro ku biiristiisa chelsea.

Chelsea ayaa doonaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixeeda ugu qaalisan Arbacada ka hor kulanka UEFA Super Cup-ka ee ay la ciyaari doonaan kooxda Villarreal.

Xilli uu isku diyaarinayay in uu baabuur u raaco madaarka ayaa la waydiiyay fariinta uu u dirayo taageerayaasha Inter Milan waxana uu yidhi”Salaan, taageerayaasha Inter Milan ee doonayay in aan sii joogo”.

“Fariin ayaan idiin soo diri doonaa maalmo yar kadib”.

Romelu Lukaku ayaa kooxda cheslea ugu biiri doona heshiis lacageed oo ku kici doona 115 milyan oo euro isaga oo noqon doona saxiixa ugu qaalisan taariikhda Blues.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*