Muuqaalka Niyad Jabka Alba & 3-da War Ee Ugu Waaweyn Kooxda Barcelona

Muuqaal Muujinaya Niyad Jabka Go’aankii Koeman:

Inkasta oo xiddiga loo diray in uu is kulayliyo itii uu socday kulankii Atletico Madrid hadana Koeman ayaa caawiyihiisa ku amray in uuna badal ku soo galin ciyaarta xiddia Jordi Alba, waxana la helay muuqaal muujinaya sida uu daafaca bidix uga niyad jabay go’aankii Koeman isaga oo waliba u cabanayay xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Memphis Kama Shalaynayo Ku Biirista Barcelona:

Inkasta oo ay kooxdu ku jirto wakhti adag, Memphis Depay ayaa sheegay in uuna ka shalaynayn ku biirista kooxda Barcelona waligiisna uuna ka shalayn doonin.

Lenglet Oo Filaya in uu daqiiqado badan u ciyaaro Barcelona.

Daafaca Clement Lenglet ayaan ciyaarin kulamo badan xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawac jilibka ah laakiin xiddiga ayaa wargayska Diario Sport u sheegay in uu filayo ciyaarista kulamo badan kadib fasaxa xulalka.

Barcelona oo haysata mid ka mid ah kooxaha ugu qiimaha badan kubada cagta.

Sida laga soo xigtay machadka daraasaadka CIES Football Observatory, Barcelona ayaa haysata mid ka mid ah kooxaha ugu qiimaha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*