Muuqaal: Inkasta Oo Uu Ka Tagay Barcelona, Daawo Lionel Messi Oo Ka Soo Muuqday Kulankii Juventus

Inkasta oo uu ka tagay kooxda Barcelona kadib markii uu dhacay heshiiskiisu hadana Lionel Messi ayaa ka soo muuqday kulankii Juan Gamper ee ay Barcelona la ciyaartay kooxda Juventsu.

Taageerayaasha Barcelona ayaa u muuqda kuwo aan wali aqbalin bixitaanka Kabtankooda Lionel Messi isaga oo ku dhawaaqay magaciisa sidoo kale kor u qaaday maaliyadiisa ka hor iyo intii ay ciyaartu socotay.

Xiddiga reer Argentine ayaa si Rasmi ah uga tagay Barcelona kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxdu 30 bishii June ee la soo dhaafay kadib markii ay kooxdu ku fashilantay heshiis cusub.

Taageerayaasha Barcelona oo markii ugu horaysya muddo sanad iyo badh ah ka soo qayb galay kulan ay kooxdoodu ciyaarayso sabab la xidhiidha xanuunka Korona oo taageerayaasha u diiday arintaas.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Barcelona ayaa ku qalinayay magaca Messi halka ay qaar kale kor u qaadayeen maaliyadiisa No.10 ee kooxda Barceloan.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*