Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang Ee Arsenal Oo Shaki Galay & Talaabo Uu Qaaday Kadib Kulankii Tottenham Oo Cadayn U Ah.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa xiddigii ugu horeeyay ee ka tagay Emirates kadib guushii ay Arsenal ka gaadhay kooxda Tottenham kadib markii kaydka la dhigay sabab la xidhiidha in uu ka habsaamay shirkii kooxdu lahayd.

Kabtanka Gunners ayaa la filayay in uu ku bilowdo shaxda kooxda kulankii Tottenham laakiin waxa uu ka habsaamay shirka kooxda taas oo keentay in uu Mikel Arteta kaydka dhigo xiddiga.

Wargayska The The Athletic Aya sheegayaa in uu Pierre-Emerick Aubameyang isaga tagay garoonka Emirates 23 daqiiqo kadib markii ay ciyaartu dhamaatay isaga oo aan xitaa galin qolka labiska kadib guushii kooxdiisa.

Xiddiga reer Gabon ayaa diiday in uu la dabaal dago xiddigaha kooxda isaga oo si toos ah uga baxay ciayarta isaa oo aan la kulmin xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Talaabadan ayaa shaki galisay mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang  ee kooxda Arsenal iyada oo la sheegayo in uu ku faraxsanayn kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*