Mustaqbalka Ben Chilwell Ee Chelsea Oo Shaki Weyn Soo Food Saaray & Marco Alonso Oo Sabab U Ah.

Mustaqbalka Ben Chilwell ee chelsea ayuu shaki weyn soo food saaray kadib markii uu Marco Alonso qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii ay Chelsea garaacday Tottenham.

Ben Chilwell ayaa 50 milyan oo euro ugu soo biiray chelsea xagaagii waxana uu si joogto ah ugu ciyaari jiray kooxda markii uu Frank Lampard joogay kooxda.

Laakiin Thomas Tuchel ayaa u muuqda in uu Ben Chilwell kaga kalsoonyahay xiddiga Marcos Alonso kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Tuchel ayaa ku ciyaara 3 difaac ah waxana uu daafacyadiisa garabka weerarka ku ciyaarsiiyaa xiddigaha Alonso iyo Reece James.

Xiddiga shaxda Tuchel ka faa’iiday ayaa ah xiddiga Alonso kaas oo booska kala baxay xiddiga Ben Chilwell labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay chelsea ciyaarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*