Musharaxa Madaxweyne ee Barcelona Joan Laporta Oo Doonaya Tababare Weyn Oo Premier League Ah, Klopp Mise Guardiola

Musharaxa madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa lagu soo waramayaa inuu si aad ah u doonayo in kooxda Keeno tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp si uu tababare ugu noqdo kooxda hadii uu ku guulaysto xilka kooxda Barcelona.

Kadib markii uu guulo iyo koobab kula guulaystay Liverpool, Klopp ayaa lala xidhiidhinayaa shaqooyin badan tan ilaa markii uu Anfield Yimid.

Barcelona ayaa dhawaan magacawday tababare Ronald Koeman kaas oo bdalay Quique Setien Laakiin tababarihii hore ee xulka qaranka Holland ayaa ku dhibaatoonaya kooxda.

Wargayska Okdiario ayaa sheegaya in Laporte doonayo in uu Klopp ka dhigo tababaraha cusub ee Barcelona hadii uu ku guulaysto xilka Madaxweyne ee kooxda.

Laporte ayaa rumaysan in uu Klopp yahay tababaraha ku fiican kooxda Barcelona kuna hogaamin kara ku guulaysiga champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*