Mudadad Ay Pedri & Jordi Alba Ka Maqnaan Doonaan Oo La Ogaaday Kadib Dhaawacii Kulankii Bayern Munich.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday mudada ay maqnaan doonaan xiddigaha Jordi Alba iyo Pedri kadib dhaawicii soo gaaray shalay kulankii Bayern Munich.

Kooxda Barcelona ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Bayern Munich kulankoodii ugu horeeyay ee wareega Group-yada champions league kulan ka tirsanaa wareega 1-aad.

Barcelona ayaa warbixin ka soo saartay dhaawaca labada xiddig kadib kulankii Bayern Munich laakiin ma xaqiijin mudada ay garoomada ka maqnaan doonaan.

Wargayska AS ayaa sheegay in uu xiddiga Pedri garoomada ka maqnaan doono 3 ilaa 4 todobaad sidaas darteed waxa uu seegi doonaa kulamada Granada, Cadiz, Levante, Benfica  iyo Atletico Madrid waxana uu garoomada ku soo laaban doonaa kulanka Valencia ee 17 bisha October.

Dhanka kale wargayska ayaa sheegay in uu Jordi Alba garoomada ka maqnaan doono 3 todobaad oo uuna kooxda u ciyaari doonin ka hor fasaxa xulalka ee bisha October taas oo la macno ah in uu 3 ilaa 4 todobaad maqnaan doono.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*