Mudada Uu Sergio Ramos Garoomada Ka Maqnaan Karo Oo La Kashifay Kadib Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib markii uu ka dhaawacmay kabtankeeda Sergio Ramos intii lagu jiray kulankii Spain iyo Germany ee tartanka UEFA Nations League.

Sergio Ramos ayaa dhacay daqiiqadii 43-aad ee qaybta hore isaga oo ayna cidna u dhawayn isaga oo waliba dhamaysan kari waayay ciyaarta lagana saaray.

Idaacada Cadena COPE ayaa shaaca ka qaaday in uu xiddigu ka dhaawacmay muruqa lugta Midig laakiin aan ilaa haatan la ogayn inta ay leegtahay halista dhaawacu.

Inkasta oo la sugi doono baadhitaanka uu maro Sergio Ramos hadana waxa la aaminsanyahay in uu Ramos seegi doono kulanka Villarreal ee horyaalka La Liga.

Isla Idaacada ayaa sheegaysa in mudada uu Sergio Ramos ka maqnaan karo garoomada ay tahay 2 todobaad waliba arintaas ku xidhantahay halista dhaawaca soo gaadhay xiddiga.

Sii Akhriso: Qaraxii 2-aad Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho 24 Saac Gudohood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*