Mudada Uu Raphael Varane Ka Maqnaan Doono Garomada Oo La Ogaaday.

Raphael Varane ayaa walwal geliyay taageerayaasha Man United ka dib markii uu garoonka ka baxay isagoo dhaawac ah intii lagu guda jiray kulankii France ay ka badisay Spain finalka UEFA Nations League axadii.

Daafaca reer France ayaa ka baxay ciyaarta taas oo ka nixisay taageerayaasha Man United kuwaas oo haatan is waydiinaya mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Kadib dhaawaca waxa la ogaaday mudada uu xiddiga Varane ka maqnaan karo garoomada iyo kulamada uu seegi doono kadib marka ay bilowdaan kulamada kadib fasaxa xulalka.

Wararka ayaa sheegaya in uu Rapael Varane garoomada ka maqnaan karo muddo hal ilaa 2 toodbaad ah si uu uga soo kabsado dhaawaca ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa.

Hadii la xaqiijiyo in uu Varane 2 todobaad ka maqnaado garoomada waxa ay la macno tahay in uu seegi doono labada kulan ee Liverpool iyo Tottenham ee kadib fasaxa xulalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*