Mudada Uu Philippe Coutinho Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday mudadada uu xiddiga Philippe Coutinho ka maqnaan doono kooxda Barcelona kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii El Clasico.

Barcelona ayaa maanta xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga kaas oo ka dhaawacmay jilibka Lugta bidix inkasta oo uu dhamaystay kulankii Real Madrid.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Philippe Coutinho garoomada ka maqnaan doono muddo 3 todobaad ah sidaas darteed uu seegi doono kulanka Juventus ee Arbacada dhici doonta.

Sidoo kale Coutinho ayaa seegi kara 3 kulan oo kale kala ah 2 kulan oo horyaalka La Liga ah iyo kulan champions League ah.

Xiddiga ayaa soo laaban doona kulanka Atletico Madrid ee kadib fasaxa xulalka gaar ahana 12 bisha November ee horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*