Mudada Uu Nathan Aké Ka Maqnaan Doono Garoomada Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Oo La Ogaaday.

Kooxda Man City ayaa rajaynaysa in uuna xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda ee Nathan Aké muddo dheer ka maqnaan kadib dhaawacii ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa.

Daafaca Nathan Aké ayaa aaday xulka qaranka Holland si uu ugala qayb galo kulamada UEFA Nations League.

Laakiin xiddiga ayaa ka dhaawacmay jilibka kulankii saaxiibtinimo ee uu xulkiisu ciyaaray isaga oo kaliya 6 daqiiqo ciyaaray.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay Man City rajaynayso in uuna xiddiga Nathan Aké muddo dheer ka maqnaan garoomada.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uuna dhaawaca soo gaadhay xiddiga Nathan Aké ahayn mid halis ah kaliyana dareemay xanuun.

Sidaas darteed Man City ayaa aaminsan in uu xiddigu kaliya garoomada ka maqnaan doono muddo 2 todobaad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*