Mudada Uu Eden Hazard Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Shaaciyay & Kulamada Uu Seegi Doono.

Eden Hazard ayaa la xaqiijiyay mudada uu ka maqnaan doono garoomada kubada cagta kadib dhaawacii ugu dambeeyay ee soo gaadhay.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku dhaawacmay qaybtii hore ee kulankii Alaves isaga oo dhaawacaas ahaa midkii 7-aad ee soo gaadhay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii 2019.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in uu Eden Hazard garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan 3 todobaad kadib markii uu ka dhaawacmay muruqa bawdada.

Kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Axadii kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Belguim ka dhaawacmay muruqa bawdada .

Dhaawaca soo gaadhay ayaa la macno ah in uu Eden Hazard seegi doono kulamada Shakhtar Donetsk, Sevilla, Borussia Monchengladbach iyo waliba Atletico Madrid.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*