Sida uu qoray The Telegraph, Bruno Fernandes ayaa wajahaya inuu maqnaado muddo ku dhow hal bil.
Khadka dhexe ee Manchester United ayaa ku dhaawacmay seedda bowdada qeybtii hore ee guuldarradii Premier League ee ay kala kulmeen Aston Villa.
Fernandes wuu sii ciyaaray ilaa nasashada, balse waxaa laga saaray ciyaarta marka la bilaabay qeybta labaad.
Ciyaaryahanka 31 jirka ah waligiis kama uusan maqnaan wax ka badan laba toddobaad hal dhaawac oo keliya tan iyo markii uu yimid Manchester United.
Maqnaanshaha Fernandes wuxuu sii kordhinayaa dhaawacyada heysta Manchester United, iyadoo Kobbie Mainoo isna la xaqiijiyay inuu dhaawac ku maqnaan doono horaantii toddobaadkan.
Labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ayaa la filayaa inay seegaan kulanka Boxing Day ee ay la ciyaarayaan Newcastle.
Be the first to comment