SAWIRO + MUCJISO Switzeland oo reebtay Fransiiska & Rigoorooyin yaab lahaa & Fashilkii qabsaday Mbappe

Ciyaar xiiso badan oo dhexmartay xulalka France & Switzerland ayaa lagu daawaday bandhig cajiib ah , natiijo qeybtii hore lamafilaan noqotay.

Bilowgii France waxa ay isku dayday iney cadaadisho iyadoo ay badashay qaab shaxdeed kulankan waxaana ay doorteen iney ku ciyaaraan 3 difaac halkii hore 4 ayku ciyaari jireen waxaa jiray fursado yar oo bilowgii hore ay heleen diiqyada gaar ahaan Mbappe & Benzema.

Lkn Bilowgii ciyaarta waxa ay layimaadeen wiilasha Switzerland gool madax qurux badnaa waxaana u dhaliyey Haris Seferovic oo caawin ka helay Zuber daqiiqadii 15aad ee ciyaarta, Inkastoo france isku dayo ay lahaayeen hadana kama faa’iideysan fursadahooda waliba xulka qaranka Switzerland waxa uu ku guuleystay in qeybta hore uu ugu dhameeyo 1 -0.

Qeybtii dambe macalinka Dechamp ayaa badalay qaab ciyaareedka isagoo saaray hal difaacawaana liglent waxaana uu doortay nidaamkii hore 4 difaac , waxa ay sameeyeen labada xul fursado dhowr ah , Switzerland waxa ay heleen rigoore qeybtii dambe lkn Recardo oo u tuuray waxaa ka qabtay Hugo lores, intaa kadib waxaa bilowday kacdoonkii France laba gool oo deg deg ah ayaa waxa ka dhaliyey Kariim Benzema mid madax & mid lug ah si goolka ugu qurxan Paul Pogba oo banaanka diilinta ganaaxa ka tuuray si ay udegto shabaqa sidaasina 3-1 ayey noqotay ciyaarta

Switzerland waxa ay keentay gool kahor inta aysan kan labaad dhalin oo aysan 3-3 ka dhigin waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah , is riix riix & weerar & weerar celis qeybtii hore ee Extra Time ka waxba leyskama dhalin ismana badalin natiijada, si loo baasoo qeybta 2aad wax badan isma badalin waxaana lagu kala saaray Gool ku laad, waxaana xulka Switzeland 4-5 rigoorooyin uuku garaacay France isla markaana Mbappe ayaa ka qasaariyey France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*