Muadada Uu Ansu Fati Ka Maqnaan Karo Garoomada Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Oo La Ogaaday.

Xiddiga kooxda Barcelona Ansu Fati ayaa laga yaabaa inuu dhawr bilood ka maqnaado garoomada kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaaray kulankii sabtidii ay 5-2 kaga badiyeen Real Betis ee horyaalka La Liga.

18 jirkaan ayaa ku soo bilaawday laakiin ku qasbanaaday in la badalo qaybtii Nasashada iyada oo lagu badalay xiddiga Lionel Messi kaas oo laba gool dhaliyay.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Fati ka dhaawacmay jilibka iyaga oo aan sheegin mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Si kasta ha ahaatee wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Spain garoomada ka maqnaan doono muddo bilo ah kadib markii uu soo gaadhay dhaawac halis ah.

Xiddiga da’yarka ah ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu goolasha badna tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool gool.

Laakiin Barcelona ayaa adeegiisa waayi doonta muddo kadib dhaawacii halista ahaa ee soo gaadhay kulankii Real Betis.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Fariin U Diray Madaxweynaha Loo Doortay Maraykanka Ee Joe Biden.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*