Morroco Oo Waqtigii Geerida Guul Ka Gaartay Ghana

Morroco ayaa guul ku biloowday tartanka koobka qaramada afrika waxa ayna garaaceen dhigooda Ghana oo ay uga talaabsadeen hal gool oo ndiif ah

Sheekada ciyaarta:Qaramada Moroco iyo Ghana ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah ka dib ciyaar iska dhex dhexaad aheyd

Moroco ayaa ku wacneyd kubadda haysashada balse ma jirrin halis gilin muuqata oo ay ku sameeyeen shabaqa Ghana

Ghana si ayay u dabacsanaayeen waana ku adkeyd in kubadd cagtooda ku hayaan

Guud ahaan qeybtaas waxa ay aheyd mid iska dhex dhexaad aha mana jirrin farsamo badan waxa aheyd mid jireed .

Qeybta labaad , ciyaarta waa u furneyd labada dhinac balse waa adkeyd in ay is halis giliyaan

Ghana waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah xilli Moroco u muuqdeen kuwo xoogaa daalay

Qeybhii dhamaadka , Morroco kubaddo halis ah ayay gaarsiinayeen gosha Ghana ilaa ay keeneen gool daqiiqadii 83-aad waxaana saxiixay S. Boufal

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*