Morata, Silva, Diaz, Williams, Kimmich & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Manchester United ayaa xiriir la sameysay wakiilka Alvaro Morata si ay xiddiga u keento Old Trafford inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga (Sabaah).

Bayern Munich ayaa doonaysa in ay bixiso lacagta 50 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa Man City Bernardo Silva (Daily Star).

Xiisaha Real Madrid ee Leny Yoro ayaan wali is badalin waxana uu diiday kooxaha doonayay saxiixiisa Man United Iyo Liverpool (MARCA).

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Raphinha si ay uGu dhaqaaqdo xiddiga Liverpool ee Luis Diaz (Mundo Deportivo).

Kooxda Messi ee Inter Miami ayaa ku dhaw in ay xor kula saxiixato xiddiga Raphael Varane (Mirror).

Xiddiga Nico Williams ayaa noqon doona xiddiga 2-aad ee ugu mushaharka badan hadii uu ku biiro Arsenal (Charles Watts).

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay keenaan kooxda xiddiga Nico Williams kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayo Arsenal (Caught Offside).

Arsenal, Liverpool Iyo Man City ayaa dhamaantood ka mid ah kooxaha uu Joshua Kimmich doonayo in uu ku biiro hadii uu ka tago Bayern Munich (Sky Sport Germany).

Arsenal Iyo Barcelona ayaa ku tartamaya saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad ee Mikel Merino (Mundo Deportivo).

Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta Xiddiga Khadka dhexe ee Adrien Rabiot (SportItalia).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga