Morata Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Fashilisay Ku Biiristiisii Barcelona.

Weeraryahanka Kooxda Atletico Madrid ee Alvaro ayaa xaqiijiyay in Barcelona ay xiiseyneysay saxiixiisa intii lagu jiray suuqii kala iibsiga January ee la soo dhaafay isaga oo sheegay in diidamadii Allegri ee fasixista xiddiga ay bur-burisay heshiiska.

Morata ayaa ka soo baxay Akademiyada kooxda Real Madrid waxana uu soo maray kooxaha Juventus iyo Atletico Madrid, waxana a Barcelona isku dayday saxiixiisa suuqii january ee la soo dhaafay si ay ugu xoojiso weerarka.

Alvaro Morata oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa ila soo xidhiidhay Xavi, waa qof mahad leh, arintaas ayaana fiicnaan i dareensiisay laakiin Allegri ayaa sheegay in uuna doonayn in aan ka tago kooxda”.

Morata ayaa amaah ugu joogay kooxda Juventus wakhtigaas Juventus ayaana ku adkaystay in ayna doonayn in ay lumiyaan maadama uu muhiim ka ahaa kooxda reer Italy.

Ugu dambayn Morata ayaa sii joogay Juventus waxana uu dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ku laabtay kooxdiisa Atletico Madrid oo uu haatan u ciyaaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*