Mohamed Salah Waa Messi-ga Africa.

Madaxa fulinta ee Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah Isaga oo bar-bar dhigay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Mohamed Salah ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira tan ilaa markii uu Liverpool ku soo biiray xagaagii 2017 isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka kubada cagta.

Mohamed Salah ayaa kooxda Liverpool kula guulaystay koobab sanadkii hore isaga oo sidoo kale laba jeer ku guulaystay gool dhalinta premier League.

Heinz Rummenigge ayaana sheegay in uu Mohamed Salah yahay Lionel Messi-ga Africa kadib qaab ciyaareedkiisa tan ilaa markii uu Liverpool ku soo biiray.

“Aniga ahaan Mohamed Salah waa Messi-ga Africa, waxana uu leeyahay tayo uu ku noqon karo xiddiga ugu fiican adduunka”ayuu Heinz Rummenigge u sheegay ON Time Sport.

“Waxa uu Mohamed Salah soo bandhigay waxa lala bar-bar dhigi karaa waxa ay Messi iyo Ronaldo la gaadheen Real iyo Brcelona”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*