Mohamed Salah Oo Si Cad Uga Hadlay Mustaqbalkiisa Liveprool , Miyuu Baxayaa Mise ?

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa hoosta xariiqay in uu doonayo in uu baaqi ku sii ahaado kooxdaas ka dhisan qalcadda Anfield

Waxa uu sidoo kale muujiyay sida weyn ee uu ugu faraxsan yahay horyaalka Ingiriiska oo uu xilli ciyaareedkaan kula guuleystay Liverpool kuwaasi oo 30 snao ka dib ruxay koobkaas.

Wareysi uu siiyay Bein Sport ayuu Salah ka yiri ” Xiisaha aan u qabo Liverpool xittaa markii aan joogay Cheslea ayaan ku taamayay in aan halkaan ka ciyaaro”.

” Chelsea garoonno kala duwan ayaan ula safray balse midkaan Liveprool dareen kale ayuu lahaa” ayuu sii raaciyay Salah

Mustaqbalkiisa ayaa wax laga weydiiyay” waxaan mar kale ku celinayaa in aan doonayo in aan halkaan sii joogo waliba muddo fog ah’

Advertisements

Arintaan ayaa soo afjareysa warar tilmaamayay in Salah xagaaga uu ka tagayo Liverpool waliba uu aadayo midkood Real ama Barcelona

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*