Mohamed Salah Oo Seegi Kara Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub Ee Liverpool, Sabab

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa seegi doona bilowga xilli ciyaareedka cusub kadib markii uu kooxdiisa ka codsaday in loo ogolaado in uu Xulka qarankiisa kala qayb galo ciyaaraha Olympic-ka ee bilaaban doona bisha dambe.

Weeraryahanka Reds ayaa ku rajo weyn in uu Klopp iyo kooxda ku qanciyo in uu maalmaha soo socda helo ogolaanshaha uu xulka qarankiisa ugaga qayb galayo tartanka bilaaban doona bisha dambe.

Premier League ayaa bilaaban doona 14 bisha August iyada oo Reds la ciyaari doonto kooxda Norwich City kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaaredka.

Ciyaaraha Olympics ayaa bilaaban doona 21 bisha July ee soo socota waxana ay dhamaan doontaa 7 bisha August taas oo la macno a in uuna Salah heli doonin Nasasho fiican ka hor xilli ciyaareedka dambe.

Liverpool ayaa sidoo kale filaysa in ay waydo Salah bisha January maadama uu xulka qarankiisa kala qayb gali doono tartanka Qaramada qaarada Africa.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*