Mohamed Salah Oo Rikoodh Cajiib Ah Kala Baxay Guushii Aston Villa.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa rikoodh cajiib ah kala baxay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay Aston Villa kana tirsanaa horyaalka premier League.

Reds ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League kana dhacay garoonka Anfield.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Sadio Mane iyo Curtis Jones ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul 2/0 ah oo ay Reds dib ugu soo laabatay wadada guulaha premier League.

Mohamed Salah ayaa caawiye ka noqday goolkii Curtis Jones ee 2-aad taas oo ka caawisay in uu taariikh cajiib ah ka dhigo horyaalka prmeier League.

Kadib caawintii Goolka Mohamed Salah ayaa haatan gaadhay in uu ku lug lahaado 100 gool Premier League isaga oo ciyaaray 116 kulan oo premier League ah.

Salah ayaa dhaliyay 73 gool caawiyena ka noqday 27 kulan kaliyana waxa ka badan Alan shearer oo 100 kulan ku gaadhay rikoodhkaas horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*