Mohamed Salah Oo Qirtay In Uu Ku Riyoonayay In Uu U Ciyaaro Liverpool Xitaa Markii Uu Joogay Chelsea.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa qirtay in uu mar walba ku hamin jiray in uu u ciyaaro kooxda Liverpool xitaa markii uu joogay kooxda chelsea.

Salah ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysiga Liverpool ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 17 gool.

Xitaa xiddiga reer Masar ayaa ah xiddiga ugu fiican kooxda Jurgen Klopp laakiin xiddiga ayaa wakhti xun ku soo qaatay horyaalka Premier League.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa markii hore Premier League kala soo ciyaaray chelsea sanadkii 2014 laakiin wakhti adag ku qaatay ka hor inta uuna Roma ku biirin.

Xiddiga ayaana haatan qirtay in uu mar walba dooayay in uu xidho maaliyada Liverpool una ciyaaro Reds xitaa markii uu joogay kooxda chelsea.

Markii wax laga waydiiyay jawiga Anfield waxa uu u sheegay beIN SPORTS” Waxa aad dareemi kartaa in uu yahay mid ka duwan wax walba, waxa aan dareemay markii aan joogay chelsea in aan mar uun ka ciyaaro halkan”.

“Waxa aan mar walba doonayay in aan ku raaxaysto xitaa ka hor kulamada, kaliya waxa aan eegaa taageerayaasha marka ay heesayaan, waa dareen fiican”.

Sii Akhriso: Puntland Oo Aan Ka Qayb Gali Doonin Shirka Wadatashiga Qaran Ee U Dhexeeya Dowladaha xubinta ka ah Dowlada Federaalka Somalia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*