
Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii dhawaanayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Heshiiska xiddiga reer Masar ee Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda.
Wadahadalada heshiis kordhinta ayaa muddo socday taas oo keentay in lala xidhiidhiyo ka tagista kooxda Liverpool suuqa xagaaga.
Salah ayaa horay u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda liverpool xilli uu dalbanayo mushahar aad u weyn.
Haatan Football Insider ayaa sheegaysa in ay Liverpool ku kalsoontahay in ay heshiis cusub ka saxiixan doonto xiddiga kaas oo mustaqbalkiisa u hibayn doona kooxda
Be the first to comment