Mohamed Salah Oo Meel Saaray Muranka Ku Aadan Mustaqbalkiisa Liverpool, Maxaa Cusub?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka hadlay mar kale musaqbalkiisa kadib markii uu shaki badan soo fuulay.

Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayaa dhici doona xagaaga 2023.

Salah ayaa shaki ku abuuray mustaqbalkiisa Liverpool kadib markii uu diiday in uu meesha ka saaro ku biirista kooxaha Real Madrid ama Barcelona.

Laakiin Salah ayaa mar kale wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool waxana uu Albaabka ka xidhay wararka la xidhiidhinaya ka tagista kooxda.

Salah oo la hadlaya Tv2 ayaa yidhi”Hadii aad i waydiiso waxa aan kuu sheegayaa in aan doonayo in aan sii joogo Liverpool mudada ugu dheer ee suurtagalka ah”.

“Laakiin sida ana horay u sheegay arintu waxa ay ku jirtaa gacamaha kooxda anigu kaliya waxa aan 100% qaab ciyaareedkayga ku soo bandhigi doonaa garoonka si aan u caawiyo kooxda inta aan joogo”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Khald Oo Ay Gabdhuhu Galaan Kulankooda Ugu Horeeya Ee Ay La Kulmaan Ninka, Ka Fogow Gabadheey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*