Mohamed Salah Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma In Uu Ku Guulaysto Xiddiga Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sheegay in uu xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Jordan Henderson u qalmo in uu ku guulaysto xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Masar ayaa waraysi la qaatay shabakada beIN SPORTS halkaas oo uu kaga hadlay waxyaabo badan oo uu ka mid yahay xiddiga u qalma abaalmarinta xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkan.

Salah oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xiddiga ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkna?” Ma garanayo hadii aad 10 qof waydiiso 9 qof waxa ay ku jawaabayaan Alisson, sidoo kale xiddigaha Van Dijk iyo Jordan Henderson, Aniga, Sadio mane ama Trent”.

“Aniga ahaan way adagtahay in aan magacaabo xiddig u qalma marka loo eego in dhamaan xiddigaha Liverpool qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen sidoo kale jirana xiddigo kale oo si fiican u ciyaaray premier League”.

“Laakiin aniga ahaan fikirkayga waxa abaalmarinta u qalma Jordan Henderson, sababta oo ah waxa uu ahaa xiddig fiican xilli ciyaareedkan waxana uu ahaa hogaamiye la jecelyahay”.

Advertisements

“Henderson waa qof fiican waxana uu caawiyaa xiddigaha da’yarka ah in ay la qabsadaan kooxda isaga la’aantiisa marna maanu qabaneen waxa aanu qabanay xilli ciyaareedkan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*