Mohamed Salah Oo Loo Soo Bandhigay In Uu Noqdo Maayarka Magaalada Liverpool.

Maayarka magaalada Liveprool ee Joe Anderson ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah isaga oo xitaa si kaftan ah ugu soo bandhigay in uu noqdo maayarka Magaalada.

Liverpool ayaa ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan markii ugu horaysay muddo 30 sano ah iyada oo uu Mohamed Salah door muhiim ah ka qaatay Arintaas.

“Mohamed Salah waa qof aad u fiican waanan ku faraxsanahay in uu xidhiidh la leeyahay Liverpool”ayuu yidhi.

“Waa xiddig muhiim u ah magaalada Liverpool waana safiirka Masar ee kubada Liverpool iyo England”.

“Waxa aan u ogolaan doonaa in uu noqdo Maayarka Magaalada Liverpool hadii la ii ogolaado in aan ciyaaro kubada cagta sidiisa oo kale”.

“Laakiin hadii uu Salah ku faraxsanahay in uu noqdo Maayarka Liverpool waxa uu heli doonaa taageerayaal badan”.

“Salah waxa uu raadinayay Horyaalka wuuna helay Arintaas waxana aan rajaynayaa in uu sii joogo kooxda guulahana la sii gaadho”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*