Mohamed Salah Oo Liverpool U Sheegay Halka Wado Ee Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixi Karo Liverpool.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu ugu yaraan doonayo 300 kun oo Gini todobaadkii hadii uu heshiis cusub u saxiixayo Liverpool.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa dhaliyay 101 gool oo premier League ah intii uu joogay Liverpool Axadii isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in bar-baro 2/2 ah la gasho Man City.

Si kasta ha ahaatee heshiiska xiddiga ee Liverpool ayaa dhici doona 2 sano kadib walina wax heshiis cusub ah uma saxiixin kooxda iyada oo kooxo kale isha ku hayaan xaalada xiddiga.

Sida laga soo xigtay The Independent, Salah ayaa dalbanaya inta u dhaxaysa 300 ilaa 380 kun oo Gini todobaadkii uu u kordhiyo heshiiska uu kula joogo kooxda Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo kula jiri doonto xiddiga ilaa bilowga sanadka cusub ka hor inta ayna heshiiska cusub ka saxiixan xiddiga.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*