Mohamed Salah Oo La Bar-Bar Dhigay Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Kadib Goolkii Man City

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in hadii ay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi dhalin lahaayeen goolkii uu Mohamed Salah dhaliyay ay adduunka oo dhan hadal hayn lahaayeen laguna tilmaami lahaa xiddigaha ugu fiican adduunka.

Mohamed Salah ayaa Liverpool u dhaliyay kulankii Man City gool wareer ah oo uu ku dhex jaasay difaacyada Man City ka hor inta uuna gool u badalin dadaalkiisii.

“Hadii ay Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo dhalin lahaayeen goolka Salah, adduunka oo dhan waxa uu odhan lahaa sababta oo ah”Waa xiddigaha ugu fiican adduunka”.

“Salah waxa uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican adduunka haatan, waana sida ay wax yihiin”ayuu sii raaciyay.

Salah ayaa kooxdiisa Liverpool u dhaliyay goolkiisii 6-aad ee horyaalka premier League iyo goolkiisii 8-aad ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*