Mohamed Salah Oo Kashifay In Uu Oohin La Dhex Fadhiistay Qolka Labiska Kadib Bar-Barihii Ay Liverpool La Gashay Man United & Sababta Oo Uu Sharaxay.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday farxadiisa ku aadan ku guulaysiga horyaalka premier League ee kooxdiisa gaar ahaan markii ay u seegeen horyaalka Man City xilli ciyaareedkii hore.

Sidoo kale xiddiga garabka ka ciyaara ayaa Sky Sport u sheegay in uu Oohin la dhex fadhiistay qolka Labiska kadib bar-barihii ay liverpool la gashay Man United xilli ciyaareedkii hore isaga oo sheegay in uu kulankaas ahaa midkii sababta u noqday in ay Liverpoll ku guulaysan waydo horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa ku guulaystay horyaalkeedii ugu horeeyay muddo 30 sano ah iyaga oo haatan 20 dhibcood ka horeeya Man City kadib guuldaradii ka soo gaadhay xalay.

“Waa wax fiican in aan ku guulaysano horyaalka kadib muddo dheer, waa wax cajiib ah”ayuu Salah Yidhi.

“Waxa aan xasuustaa xilli ciyaareedkii hore markii aan bar-baraha la galnay Man United kulan ka dhacay Old Trafford waxa aan qolka Labiska la dhex fadhiistay Oohin sababta oo ah kulankaas ayaa ahaa kulankii aan luminay horyaalka xilli ciyaareedkii hore”.

Kulankaas ayaa ahaa mid ay Liverpool bar-baro 0/0 ah la gashay United bishii February kaas oo sabab u noqday in ay Liverpool kaliya hal dhibic ku hogaamiso horyaalka premier League.

Sii Akhriso: WARBIXIN:Gar-naqsigii Madaxweynaha Somaliland Ee Muuse Biixi Ka Soo Jeediyay Wadahadaladii Somaliland & Somalia Oo Haatanba Midho Lah Yeelanaya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*