Mohamed Salah Oo Ka Jawaabay Garry Neville Kaas Oo Sheegay Wakhtiga Uu Ka Tagi Doono Liverpool, Muxuu Ka Yidhi Mustaqbalkiisa?

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa u jawaabay Garry Neville Kaas oo sheegay wakhtiga uu Salah isaga tagi doono kooxda Liverpool.

Halyeeyga kooxda Man United ee Garry Neville ayaa sheegay in uu Mohamed Salah isaga tagi doono kooxda Liverpool 12 bilood kadib taas oo la macno ah xagaaga dambe dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Masar Mohamed Salah ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay joogista Anfield kana fikirayn in uu isaga tago kooxda Liverpool.

Salah ayaa Liverpool ku soo biiray xagaagii 2017 isaga oo kaag soo biiray kooxda Roma tan ilaa wakhtigaasna ka mid noqday xiddigaha ugu fiican adduunka.

Xiddiga 26 jirka ah oo la hadlaya Shabakada CNN ayaa yidhi”Anigu waan ku araxsanahay kooxda Liverpool, waan jecelahay magaalada, waan jecelahay taageerayaasha kooxda iyo xiddigaha kooxda”.

Advertisements

Salah ayaa hadalkiisa ku soo xidahy” Waan ku faraxsanahay Liverpool sidaas darteed ma ahan in laga hadlo wxaas wakhtigan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*