Mohamed Salah Oo Ka Hadlay Natiijadii Kulankii Ay Liverpool Bar-Baraha La Gashay Man City

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka hadlay ciyaartii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay Man City kulan ka tirsanaa premier League.

Liverpool ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Man City kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 7-aad ee horyaalka premier League.

“Waxa uu ahaa kulan adag sababta oo ah in badan ayay kubada haystaan, Qaybtii hore ma ahayn mid fiican laakiin qaybtii dambe waan fiicnayn, natiijaduna waa mid ay tahay in aan aqbalno”.

“Waxa ay maamulayeen ciyaarta ilaa bilowgii, waan dhibaatoonay qaybtii hore waxana aan ku baxnay 0/0, qaybtii 2-aad si fiican ayaan u ciyaarnay”.

Salah ayaa wax laga waydiiyay in ay natiijadu ahayd mid cadaalad ah waxa uu ku jawaabay”Waa inaan caddaalad noqdaa. Waxay abuureen fursado badan, waxa ay haysteen kubada, waxa aan rajaynayaa in aan yidhaahdo, maya, laakiin natiijadu waxa ay ahayd mid cadaalad ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*