Mohamed Salah Oo Jawaab Qallafsan Ka Bixiyay Markii La Waydiiyay Xiddiga Real Madrid Ee Uu U Soo Qaadan Lahaa Liverpool.

Mohamed Salah ayaa jawaab adag ka bixiyay markii la waydiiyay xiddiga Real Madrid ah ee uu u soo qaadan lahaa kooxda Liverpool.

Kulanka 8 dhamaadka champions League ee kooxaha Liverpool Iyo real madrid ayaa soo dhawaanaya iyada oo ay labada kooxood ku dagaalami doonaan booska wareega 4 Semi-final-ka tartanka champions League.

Xiddiga reer Masar ayaa dhaawac uga baxay kulankii ugu dambeeyay ee ay wada ciyaareen Liverpool iyo Real Madrid final-kii 2018 ee tartanka champions League.

Todobaadka dambe ayay labada kooxood ku kulmi doonaan kulan champions league ah xilli koox walba isha ku hayso sidii ay guul uga gaadhi lahayd labada kulan ee tartanka.

Ka hor kulanka wargayska MARCA ayaa Mohamed Salah waydiiyay su’aal ah xiddiga uu ka soo qaadan lahaa Kooxda Real Madrid ee haatan kuna soo dari lahaa kooxda Liverpool.

Waxana uu ku jawaabay”Waxan u malaynayaa in ay kooxdeenu ku adagtahay sida ay tahay”.

“Laakiin Real Madrid waxa jooga xiddigo heer sare ah ayuu sii raaciyay”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*